Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Khilaaf Xoogan Oo Kataagan Beledweyne
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:369
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 09 2008
Khilaaf Xoogan Oo Kataagan Beledweyne
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 09 July 2008

Muuqalka Ciidamo Jooga BeledweneBeledweyne,(insidesomalia.org)- Inkastoo la oran karo Xaaladda Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan xilligan waa mid degan, hadana dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya khilaafka iyo muranka la xiriira Nabad-galyada Magaalada Beledweyne ee u dhaxeeya Golaha Odyaasha dhaqanka Gobolka iyo dhinacyada iska soo horjeeda ee Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.
 
Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo tan iyo markii ay soo baxeen xiisadaha colaadeed ee ka aloosan Magaalada si weyn ugu howlanaa sidii loo dajin lahaa xasaradaha taagan, ayaa guul darooyin is daba joog ah kala kulmaya shirar iyo kulamo ay la yeelanayeen Saraakiisha Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa Itoobiya ee jooga duleedka Magaalada Beledweyne.
 
Saacadihii aynu soo dhaafnay kulamo aad u adkaa oo ay wada galeen Saraakiisha hoggaamineysa Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ee jooga Magaalada Beledweyne iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa ugu dambeyntii wax guul ah laga gaarin, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dhinaca Xoogagga Maxkamaduhu ku gacan seyreen in ay ka baxaan Magaalada si markaas xiisadu u yaraato.
 
Mid ka mid ah Waxgaradkii ka qeybgalay kulanka oo codsaday in aan magaciisa la soo xigan ayaa sheegaya in Saraakiisha Maxkamaduhu aysan isku raacsaneyn dagaal lagu qaado xiligan Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Jante-kuundisho, laakiin waxaa uu intaas ku daray in ay ka siman yihiin fikrada ah in marnaba aysan ka bixin gudaha Magaalada Beledweyne, isla markaana weerarro culus ku qaadi doonaan Ciidamada Itoobiyaanka hadii ay isku dayaan in ay gudaha u soo galaan Magaalada.
 
Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray Mas'uulka la hadlay Saxaafada in Saraakiisha Itoobiyaanku sheegeen in aysan xiligan u socon gudaha Magaalada, laakiin dhinacooda ay is difaaci doonaan hadii ay la kulmaan weeraro uga yimaada dhinaca Xoogagga Maxkamadaha mid ka mid ah Saraakiisha Itoobiya ayaa yiri "Waan og-nahay dhaq dhaqaaqyada ka jiray gudaha Magaalada, ogaada anagu Dalka is kama joogno,waxaan ku joognaa amar Dowladeed sidaa daraadeed uma dulqaadan doono dhaq dhaqaaqyada Miletari ee socda waana sababta aan Dalka u joogno in aan arimahaa oo kale ka hortagno.
 
Golaha Odayaasha oo ah kuwa is leh talada ugu danbeysa ee Gobalka Hiiraan maadaama uusan jirin Maamul si dhab ah uga howl-gala ayaa hada waxaa la oran karaa xaalku waa mid u eg in uu farahooda ka sii baxayo, waxaadna moodaa in arinku u wareegayo dhinaca Saraakiisha Maxkamadaha ee jooga Magaalada oo dhinacooda ku xisaabtamaya culeyska uu leeyahay dagaal ka dhax qarxa gudaha Magaalada Beledweyne.
 
Dhinaca kale waxaa gelinkii danbe ee shalay soo gaaray Magaalada Beledweyne Saraakiil ka tirsan Isbaheysiga dib u Xoreynta dalka oo uu ka mid yahay Xog-haya Gaashaandhiga Shiikh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacade)  oo ay wehliyaan Ciidamo aad u hubeysan oo wata ilaa 10 gadiidka dagaalka ah.
 
Waxaa sidoo kale warar soo baxaya sheegayaan in saacadaha soo socda ku soo biiri doonaan Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda dhacaan kulamo looga arinsanayo sidii laga yeeli lahaa Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne.
 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >